Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi Xildhibaano ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa magacaabay guddi ka kooban 9 Xildhibaan.

Warar Keydmedia Online
Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi Xildhibaano ah

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo ka kooban 9 Xildhibaan kaa oo soo diyaarinaya saameynta cudurka Covid19 uu ku yeeshay dalka, iyadoo magacaabidda guddiganna uu ku soo aaday xilli kala guur ah oo dalku doorasho u dareerayo.

Guddigan ayaa lagu qeexay shaqadooda laba qodob oo kala ah:

  1. Xog uruurin iyo wareysiga hay'adaha iyo qeybaha kala duwan ee dalka ee ay khusayso arrintan.
  2. Diyaarinta warbixin dhammeystiran oo ku aaddan natiijada kasoo baxda xog uruurinta iyo talo soo jeedinta

Liiska magacyada Xildhibaanada iyo shaqada loo xilsaaray ka akhriso lifaaqa waraaqdan hoose:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.