Guddoomiye Waaxeed oo Saakay la toogtay

Afgooye (KON) - Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa Saakay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Guddoomiye Waaxeedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Warar Keydmedia Online
Guddoomiye Waaxeed oo Saakay la toogtay

Maxamed Burus oo Xaafadiisa u socday ayaa Kooxo  Bastoolado ku hubeysan ku toogteen Dariiqa.

Wali lama oga Sababta loo dilay Marxuumka iyo Cida ka dambeesa Dilka.

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaasi gaaray ayaa sameeyay howlgallo baaritaanno ah oo aan illaa iyo hada la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay. 

Waa guddoomiye waaxeedkii Seddaxaad ee lagu dilo Degmada Dharkeenleey Sanadkaan gudihiisa.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho