Guddoonka Barlamaanka Puntland oo laba daran mid dooranaya

Khilaaf Xooggan ayaa ka dhex qarxay Madaxtooyada Puntland iyo Guddoonka Baarlamaanka Maamulkaas, kadib markii dhawaan wax ka badel lagu sameeyay xeer hoosaadka  Golaha Wakillada.

Warar Keydmedia Online
Guddoonka Barlamaanka Puntland oo laba daran mid dooranaya

GAROWE, Soomaaliya - Guddoonka Barlamaanka Puntland, ayaa wajahaya cadaadiskii ugu xoogganaa oo kaga imaanaya Madatooyada, kadib markii todobaadkii la soo dhaafay wax laga badalay xeer hoosaadka Golaha Wakiilada.

Guddoonka Barlamaanka ayaa meelmaryay mooshyin wax looga bedeley tirada xildhibaanada xilka ka qaadi kara Guddoonka Barlamaanka oo markii hore ahaa 34 cod lana gaarsiiyey heerka Madaxweynaha oo ah 44 cod.

Sidoo kale guddoonku wuxuu wax ka badalay tirade xildhibaannada mooshinka soo gudbin kara, waxaana ku dhawaad labo laab lagu daray tiradii hore.

Tallaabooyinkaan ayaa horseeday, guux siyaasadeed xooggan waxaana qaraxday xiisad u dhexaysa Guddoonka Barlamaanka iyo xaafiiska Madaxweynaha Puntkand, Siciid Cabdullahi Deni, kaas oo ka biyadiiday xeer hoosaadka la badalay.

Sida ay caddeynayaan warar hoose, Madaxtooyada ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ku cadaadineysa inuu ka laabto go’aankii Barlamaanka, waxaana loogu hanjabay inuu la kulmi doono xilka qaadis.

Madaxtooyada Puntland, ayaa hore xilkii uga burisay, Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ku baxay muran ka dhasahy qorshayaal laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Puntland oo caan ku ah in ay raacdeyso xildhibaankii ka aragti duwan, ayaa si cad u diidan qorshahaan wax ka badalka, maadaama uu halis ku yahay haddii ay doonayaan in meesha laga saaro mid ama dhammaan xubnaha Guddoonka Barlamaanka.

In kabadan shan mudane ayaa dib loogu celshay qabiilladoodii, kuwaas oo lagu badelay shaqsiyaad kale, tan iyo markii uu xaafiiska Madaxweynaha yimid Siciid Cabdullaaghi Deni.

Baarlamaanka Maamullada ayaa doorta Golaha Aqalka Sare ee Golaha Baarlamaanka Dowladda Fadaraalka, Madaxtooyada ayaana dooneysa in Guddoonku kala shaqeeyo soo saaridda shaqsiyaad qaas ah taas oo xaalka sii murjin karta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.