Guddoonka Golaha Horumarinta Mudulood oo la doortay

Mudulood ayaa muujinaya midnimo, si loo gaaro beesha Hawiye oo mideysan.

Warar Keydmedia Online
Guddoonka Golaha Horumarinta Mudulood oo la doortay

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan balaaran oo lagu dooranayey guddoonka golaha horumarinta iyo danaha guud ee mudulood.

Madasha doorashadan ay ka dhacaysay waxaa joogay hoggaanka guddiga marjaca mudulood, Cali Mahdi Maxamed iyo sidoo kale Muuse Suudi Yalaxow.

Guddoonka golaha horumarinta iyo danaha mudulood ayaa sidan loo kala doortay:

1- Guddoomiye waxaa loo doortay Dr C.qaadir Yalaxow Hiraabe.

2- Guddoomiye ku xigeenka Koowaad waxa loo doortay C/qaadir Macalin Axmed.

3- Guddoomiye ku xigeena Labaad waxaa loo doortay Ayaan Xasan Xaaji.

4- Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ayaa loo doortay Maxamed Macalin Nuur Taakow.

5- Xoghayaha goahan ayaa loo doortay Yuusuf Xaaji Maxamuud.

Madaxweyne hore Cali Mahdi Maxamed oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in looga baahan yahay golahan iney la yimaadaan waxqabad muuqda.

Dhanka kale, Cali Mahdi ayaa sheegay in la diidan yahay dhismaha maamul u gaar ah gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha golaha horumarinta iyo danaha mudulood Dr C/qaadir Yalaxow Hiraabe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan helista maamul u gaar ah gobolka Banaadir, dib u heshiisiinta iyo in la mideeyo musharraxiinta madaxweynaha ee beesha.

Mudulood ayaa markaan u muuqda inuu midoobay, islamarkaana si mid ah ay u doonayaan iney kaga shaqeeyaan aayaha beeshooda.

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.