Gudiga Doorashada Galmudug iyo Xiriirka Sirdoonka Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor Qoor' ayaa magacaabay xubnaha guddiga doorashada heer heer dowlad goboleed ee Galmudug, laakiin Keydmedia Online ayaa ogaatay in liiska laga soo diyaariyay Muqdisho. 

Warar Keydmedia Online
Gudiga Doorashada Galmudug iyo Xiriirka Sirdoonka Soomaaliya

Macluumaad ay Keydmedia Online ka heshay Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaya in Sideedaan xubnood oo uu magacaabay 'Qoor Qoor' uu diyaariyay Fahad Yaasin, waxeyna saddex kamid ah ay ka tirsan yihiin Nabad Sugida.

1. Wacaysle: Mohamed Ahmed Nur (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)

2. Duduble: Cabdicasiis Nuur Yuusuf (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)

3. Sacad: Farhmo Xasan Maxamuud (Waa Sarkaal ka tirsan Nabad Sugida)

4. Saleemaan: Maxamed Qaasim Maxamuud (Hay’ad Fahad leeyahay ayuu maamule ka yahay)

5. Cayr: Maxamed Daahir Gulleed (Fahad ayaa keenay, AAWarsame ayaa lagula dagaalamayaa)

6. Saruur: Xaawo-kiin Maxamed Cali (Waa Hoggaamiye kamid ah Xoogaga Wadaniyiinta)

7. Sheekhaal: Maxamed Cabdiraxmaan Cabdullahi (Fahad ayaa keenay).

8. Mareexaan: Cabdiraxmaan Ismaaciil Shire (Waxaa keensaday Cabdishakuur Cali Mire)

Dir iyo Murursade ayaa kasoo muuqan gudiga.

Faah-Faahinta warkaan kala soco bogga hore ee Keydmedia Online.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.