Gudiga amniga Baarlamaanka oo dhaliilay xukuumada

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Xildhibaan Cali Seeko oo ka tirsan gudiga amaanka Baarlamaanka KMG ayaa ku eedeeyay xukuumada KMG ah Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay dhibaatada mar walba loo geesto dhibanayaasha abaarta ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Gudiga amniga Baarlamaanka oo dhaliilay xukuumada

Hadalka ka soo baxay gudiga amniga baarlamaanka ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib mar kii maalmihii la soo dhaafay ay aad isu soo tarayeen dhibaatooyin loo geysanayo dadka barakacayaasha ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhaca,boobka gaargaarka iyo caqabadaha kale ee ay wajagayaan dhibanayaasha abaarta ayaa mudooyinkanba ahaa kuwa isa soo taraya.

R.wasaare Gaas waxa uu sheegay in ay wax ka qaban doonaan arintaasi laakiin ilaa iyo hada ma muuqdo wax qabad la taaban karo.

WWW.KEYDMEDIA.NET