Gudiyada doorashadda oo dhexda ka galay dhinacyo hardamaya

Gudiyada waa labo heer - Heer Federal iyo Heer maamul Goboleed [FEIT iyo SEIT], waxaana ku saddex ah midka Khilaafka doorashadda, iyagoo u lakala yiraahdaa, waxayna u kala qeybsameen Villa Somalia iyo Madaxda Maamulada.

Warar Keydmedia Online
Gudiyada doorashadda oo dhexda ka galay dhinacyo hardamaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Khilaafka iyo kala qeybsanaanta Madaxda dalka waxay saameyn ku yeelatay howshii Gudiyadda doorashooyinka Baarlamaanka, oo aan hor-u-socod lahayn.

Waxay saddexda Gudi - FEIT, SEIT iyo Xalinta khilaafkaadka noqdeen kuwa jahwareersan, oo dhexda ka galay awoodo is-haya, oo ku loolamaya boobka kuraasta Gollaha Shacabka.

Faragelinta ugu badan waxaa ku haya Villa Somalia, gaar ahaan Fahad iyo Farmaajo oo handadaad ku sameynaya Gudiyada fadhigooda yahay Muqdisho, oo shaqadooda loo meeriyo.

Waa xaalad khatar gelisay hufnaanta doorashadda dalka, iyadoo xubnihii Rooble ka saarey Gudiga xalinta Khilaafaadka sheegeen in loo hanjabey markii ay joojiyeen Kursiga Yasin Farey.

Sidoo kale, Madaxda Maamulada ayaa gacanta ku dhigay Gudiyada SEIT, oo qofkii ay iyagu rabaan oo kaliya soo saara doorashadda, waxaana laga weeciyay dhexdhexaadnimada.

Cirro oo ah gudoomiyaha FEIT ayaa si cad u sheegay dhawaan inay ka shaqeysan la'yihiin faragelin joogto ah, isagoo cod dheer ku dalbadey in loo madax-baneeyo howlaha loo igmadey.

Waxay gudiyadda oo markii horeba lagu soo xulay qaab qabiil iyo eex noqdeen hadda dheri labo dhinac ka gubanaya, oo ay u dhaxeeyaan Madaxda fadhisa Maamulada iyo Villa Somalia.

Waxaa usii dheer cadaadiska Musharixiinta iyo Beesha Caalamka inay qabtaan doorasho daah-furan, oo tartankeeda loo siman yahay, si natiijo la isla ogol yahay usoo baxdo dhamaadka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.