Gudoomiyaha Degmada Hilwaa Cumar Jacfaan oo Ka Bad Baaday Isku Day Dil Ah

Muqdisho (KON) -Cumar Cabdule Jacfaan ayaa xalay ka badbaaday isku day dil ah oo la doonayay in lagu khaarijiyo kadib markii kooxo hubeysan ay qaraxyo ku weerareen Gaari uu saarnaa xili uu dhexmaray qeybo kamid ah degmada Hilwaa.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiyaha Degmada Hilwaa Cumar Jacfaan oo Ka Bad Baaday Isku Day Dil Ah

Isagoo saaka la hadlayay Cumar Jacfaan Gudoomiyaha degmada Hilwaa qaar kamid ah Idaacada ka howlgala magaalada Muqdisho ayuu sheegay in ilaa labo qarax lagu soo weeraray gaarigiisa xili uu mararay xaafada suuqa Xoolaha, wuxuu sheegay inaysan waxbo soo gaarin, balse uu weerarkaasi ku dhaawacmay mid kamid ah eheladiisa.

Cumar Cabdule Jacfaan ayaa Weerarkaan ku eedeeyay inay ka dambeeyaan kooxda Shabaab oo aan raali ka ahayn nabad iyo barwaaqo ka dhalata caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale weerar lagu qaaday masuul ka tirsan Maamulka Dowladda ee gobbolka Shabeellaha Hoose gudaha degmada Afgooye.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho