Gudoomiyaha degmada wardhiigley “ WFP cuntada Shacabka ayeey iibsataa”

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Gudoomiyaha degmada wardhiigley ee maamulka Dowlada Deeqo Xasan ayaa ku eedeysay Hey’adda WFP ee QM u qaabilsan arimaha cuntada in ay musuq iyo wax isdaba marin ku ekeysan shacabka Soomaaliyeed ee danyarta ah.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiyaha degmada wardhiigley “ WFP cuntada Shacabka ayeey iibsataa”

“ Waan la soconaa in WFP cuntada baqaarada ugu jirta ay ka iibiso ummadda Soomaaliyeed ee deeq ahaanta loogu soo dhiibay, haddii aanay ka laaban arimahaasi waxaan tagi doonaa xafiisyadooda annagoo hogaamin doono shacabka danyarta ah” sidaa waxaa tiri gudoomiyaha wardhiigley Deeqa Xasan oo saxaafadda la hadashay.

Maamulka gobalka Banaadir ee dowlada ayaa xiliya kale duwan waxa ay canbaareeyeen hey’adda WFP laakiin ilaa iyo hadda ma jirto talaabo maamulka uu ka qaaday hey’addaasi oo xarumo iyo baqaaro ku leh Muqdisho.