Muran ka dhashay Booqashada Gudoomiyaha G/Hiiraan ee Degmada Matabaan

Baledweyn(KON) - Sida Keydmedia ay soo qortay Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa gaaray maanta Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidan iyo Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaasi.
Warar Keydmedia Online
Muran ka dhashay Booqashada Gudoomiyaha G/Hiiraan ee Degmada Matabaan

Waxaana Markii ay Degmada tageen imaasha hooda ka dhashay Xiisad iyo si fahan waa,ayadoona Ciidamada Gudoomiyaha la socday iyo kuwa Ahlusunna ee Degmada ay isku sigteen in ay islaayaan.

Wafdigii Gudoomiye C/fitaax Xasan Afrax ayaa Natiijo la’aan dib ugu soo laabtay Magaalada Baledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in Waxgaradka Degmada Matabaan ay diideen Imaashaha Gudoomiyaha Dowladda ay u soo Magacowday Degmadaasi.

Dhawaan Degmada Matabaan waxaa ka dhacay Dagaal u dhaxeeya Ciidamo beeleed kala taabaxsan Gudoomiyaha Cusub ee Degmada loo magacaabay iyo Gudoomiyihii hore,waxaana Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax uu sheegay in uu dhameenayo Xiisadaasi,laakiin ay u Muuqato mid Fashilantay.

Keydmedia online – xafiiska Muqdisho

 




Warar 21 October 2020 9:51

Farmaajo ayaa qorsheynaya inuu xilka ka qaado taliyeyaasha Ciidamada Militeriga, Booliska iyo Asluubta, iyadoo sidoo kale isbedel lagu sameynayo talisyada laamaha Amniga degmooyinka Gobolka Banadir, sida ay ogaatay Keydmedia Online.