Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Xiliga Wariyaha dhibaatadaan loo geysanaayay ayaa waxaa uu ka soo baaxay shir ka dhcaayay mid kamid ah Hotelada Magaalada Boosaaso kaasoo uu qabanaayay nin musharax madaxweyne ah.
Markii uu Wariyaha ka soo baaxaay madashii uu shirka ka socday ayaaa waxaa Albaabka kore ee Hoteelka ku qabtay Gudoomiyaha Gobbolka Bari ee Puntland Cabdisamad Cali Gallan iyo Ciiadamadiisa waxaan ay halkaasi ku dhibaateeyeen Wariaye Axmed Jookar oo ay u geystaay jir dil.
Wariyaha ayaa laga jeex jeexay Surwaalkii uu qabay, waxaana loo geystaay jir dil aad u darran, Wariyaha ayaa hadda la xanuunsan jugta ay ku dhufteen Ciidamada Gudoomiyaha Gobbolka Bari.
Waariye Axmed Jookar Gudoomiyaha Gobbolka Bari ee Puntaland Cabdisamad Cali Gallan ayaa la sheegay in markii hore ay u dhaxeysay xurguf hore taasoo ah Wariye Jookar uu taleefoonka ku duubay hanjaabaad uu jeediyay Gudoomiyaha Gobbolka Bari waxaana la sheegay in mudooyinkaan uu Gudoomiyuhu doon doonaayay Wariyaha.
Keydmedia.net -Xafiiska Gaalkacyo
Add comment
Comments