Gudoomiyaha Maxkamadda Sare “Yaan la siideyn Al-shabaabka la qabto”

Muqdisho (KON) - Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka sida ayaa sheegtay in Hay'addaha Ammaanka ay fasaxaan Dambiilayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab, kadib markii lagu soo qabqabtay Howlgallo.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare “Yaan la siideyn Al-shabaabka la qabto”

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidanka Qalabka Gaashaanle Cabdi Raxmaan Maxamed Tuur yare ayaa waxaa uu ka hadlay Niman ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo ay Gacanta ku dhigeen Hay'addaha Gasoorka Dalka, kadibna sii daayeen.

Tuur yare ayaa waxaa uu xusay in loo Baahan yahay in Al shabaab Dagaalka dowladu kula jirto laga wada qayb galo isagoo Carabka ku dhuftay in waalidka Caruurtooda ay kala Baxaan Al shabaab Waalidkii Caruurtiisa al shabaab ku taageerana waxaa uu amray in la soo xiro.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ayaa sheegay In Xiliyo farabadan la soo daayey Rag ka tirsan Al-shabaab oo ay taas tahay mid ka baxasan Qawaaniinta Caalamigaa.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho