Gudoomiye Degmo oo lagu dilay Muqdisho

Gudoomiyaha ayaa shalay kasoo laabtay dalka Turkiga oo looga soo daaweeyay dhaawac kasoo gaarey Qarax sanadkii tagey lagula eegtay Gaari uu watay wadada 21-ka October ee Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Gudoomiye Degmo oo lagu dilay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyihii degmada Hodon, ee gobolka Banaadir C/xakiin Ciise Dhegajuun ayaa xalay ku dhintay Is-rasaaseyn ilaaladiisa iyo Ciidan katirsan booliska Soomaaliya ku dhexmartay jidka Aadan Cadde, ee magaaladda Muqdisho.

Lama oga sababta keentay Is-rasaaseynta, ee uu ku dhintay gudoomiyaha, laakiin waxuu duqa Muqdisho u xil-saarey gudi baaris ku sameeyay dhacdadan oo ahayd mid argagax leh oo Mas'uul maamulka gobolka kamid ahaa lagu dilay.

Shalay ayay ahayd markii gudoomiyaha Yaaqshiid qarax miino uu ka badbaadey, iyadoo maalintii ka horeysay labo mas'uul oo katirsanaa Maamulka Garasbaaley lagu dilay qarax wadada dhinaceeda la dhigay duleedka Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Cumar Filish:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) iyo dhamaan Madaxda Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, Qaraabadii, Saaxiibadii iyo Bulshada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha U naxriisto Guddoomiyahii Degmada Hodan Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Marxuumka ayaa Habeenkii xalay abaarihii 2dii iyo daqiiqado lagu dilay inta u dhaxeysa Isgoyska Howlwadaag iyo Isgoyska Jidka Aadan Cadde, kadib markii ay is-rasaaseen dhex martay ciidan halkaasi ku sugnaa, waxaana dhacdadaasi ku dhaawacmay labo askari oo ilaaladiisa ka mid ahaa, kuwaasi oo eebe loogu baryayo in uu caafimaad deg deg ah siiyo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho waxa uu faray dhamaan Hey’addaha Amaanka ee Gobolka Banaadir in baaris rasmi ah lagu sameeyo dhacdadaasi si loo helo cadaalad, la iskulana xisaabtamo Mas’uuliyadda shaqaaqada uu ku geeriyooday Allaha u Naxristo Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu si deg deg ah u Magacaabay Guddi isu-duwa kana shaqeeya Aaska iyo Tacsida Marxuumka.

1- Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud “Caana-booro” (Guddoomiyaha Guddiga)

2- Mukhtaar Maxamed Cali (Dhaga-Cade)

3- Muuse Cali Eybakar

4- Saalax Xasan Cumar

5- Yaasiin Cismaan Jimcaale

6- Seynab Maxamuud Xaabsey

7- Mustaf Cali Kheyre

Guddigaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho farayaa in sida ugu haboon loo maamuuso, Tacsida iyo Aaska Allaha u naxriisto Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhaga-juun).

Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 28 October 2021 17:40

Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafti uu hoggaamin doono ee xubnaha Guddiga Batroolka, ayaa la rumeysan yahay in ay maalmaha soo socda ka ambabaxaan Muqdisho, si u soo xaraashaan xirmooyinka shidaalka Soomaaliya.