Gudoomiye Jawaari oo la Eedeeyey

Muqdisho (KON) - Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa eedeeyay Gudoonaka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheikh Cismaan 'Jawaari'.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiye Jawaari oo la Eedeeyey

Xildhibaan C/ladiif iyo Xildhibaan Sanyare oo la hadlay Keydmedia Online ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sh Cismaan Jawaari ay ku eedeeyeen in uu Mas’uul ka yahay Xildhibanada aan soo Xaadirin Fadhiga Baarlamaanka.

Waxaa ay sheegeen in ay Jiraan Xildhibaanno jooga Magaalada Muqdisho islamarkaana aan imaan Kulamada Baarlamaanka,sababtuna ay tahay in Gudoomiye Jawaari uu lumiyey Sharcigii Baarlamaanka lagu kala hagi lahaa.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa uu ku Mashquul san yahay Siyaasad kale,waxaa jira Xildhibano Boqol ku dhaw oo ku sugan Muqdisho,waxaana ay Qaadan waayeen sida loo Maamulayo Baarlamaanka”ayey yiraadeen Xildhibanada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano ka maqan Baarlamaanka ku was oo uu Digniin u diray Marar badan.

Keydmedia Online – Xafiiska Muqdisho