Gudoomiye ku xigeenka Degmada Deyniile oo la weeraray

Muqdisho (KON) - Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Axmed Dubad ayaa xalay lagu Weeraray Gurigiisa oo ku yaala Degmada Deyniile.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Deyniile oo la weeraray

Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa Xalay Weerar ku Qaaday Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Deyniile, waxaan Iska horimaad kooban uu dhexmaray Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo ilaalada Gudoomiyaha.

Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Deyniile ee Dhanka Arimaha Bulshada Axmed Dubad oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maleeshiyaadkii Weerarka soo qaaday ay Fashiliyeen islamarkaana ay iska Difaaceen.

Axmed Dubad ayaa Xusay in Labo Askari oo ka tirsan Ilaaladiisa ay Weerarka ku Dhaawacmeen, asagoona Tilmaamay in Maleeshiyaadkii wax soo weeraray ay khasaare u Geeysteen.

Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku soo laab laabtay Weerarada nuucaan oo kale ah kuwaas oo ay Geeysanayaan Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab Al-Qaa’ida.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay weerarada noocyadaasi oo kale ay wax qaban doonto oo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banadir ka dhaca.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho