Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Xamarweyne oo la xiray

Muqdisho (KON) - Mas'uul ka tirsan Maamulka Degmada Xamarweyne ayaa Saacaddo ku xirnaa Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Mas’uul ka tirsan Maamulka Degmada Xamarweyne oo la xiray

Saraakiil ka tirsan maamulka Degmada ayaa Wariyaha Keydmedia Online ee Muqdisho u sheegay in Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada la xiray.

Arimaha loo xiray ayaa waxa uu la xiriira arinta ku aadan dadka laga saarayo dhismaha Maktabada Qaranka, inakstoo aan wali Faahfaahin laga soo saarin Sababta.

Amarka lagu soo xiray Gudoomiye Maxamed Macalin Abuukar ayaa la sheegay inuu bixiyay Taliyaha Qeybta Guud dhinaca Booliska waxana lagu xiray saldhiga Afar Irdood waxana halkaa ugu tagay masuuliyiinta degmada.

Waxana hada suurta gashay inuu dib u helo xuriyadiisa sida ay sheegen saraakisha Degmada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho