Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyaha maamulka gobalka ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay la kulmaan dhibaatooyin isla markaana naftooda ay qatar u galiyaan waxyaabo aysan garanaynin.
“Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ku adeeganaya dad qaar ah iyo Qabiil, ii sheeg wiil dhaawac culus soo gaaray oo Qabiil uu daawo siiyay ama uu u gurmaday, yaanan layna faa’iideesan,”sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Tarsan ayaa sheegay in dhalinyarada aduunka ayagu ay yihiin kuwa horumariya wadamadooda, wuxuuna tilmaamay in ay ku tartamaan Aqoon iyo fakir.
Gudoomiyaha gobalka ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideesaan wadanka, oo ay ka shaqeeyaan wax soo saarkiisa, iyo waliba xasilinta wadanka.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments