Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Kulan ay ku yeesheen Golaha Deegaanka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay shaaciyeen in ay xilkii ay ka tureen Gudoomiye Biikole,sababo la xariira Xil gudasho la’aan,Musuq maasuq dhanka Maaliyadaa iyo in uu diiday in la ogaado waxyaabaha ka soo gala Hay’adaha Samafalka.
Aadan Yaroow oo ka mid ah Golaha deegaanka Baydhabo ayaa warbaahinta u aqriyey Wareegtada xilka looga qaaday Biikale.
Waxuuna sheegay in ay si deg deg ah ay u soo magacaabi doonan gudoomiye kale oo xilkaasi qabta.
Dhanka kale xariir aan la sameeynay Gudoomiye Biikole ayaa ka gaabsaday xilka qaadista lagu sameeyey in uu ka hadlo.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments