Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo lagu toogtay Bartamaha Suuqa

Muqdisho (KON) - Gudoomiyihii Ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho Axmed Nuure Ow Diini ayaa Daqiiqado kahor lagu toogtay gudaha Suuqa.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiyihii Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo lagu toogtay Bartamaha Suuqa

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in Gudoomiyaha iyo mid ka mid ah ilaaladiisa lagu toogtay Bartamaha Suuqa.

Kooxaha Weerarkaan soo qaaday ayaa isla markiiba baxsaday, ilaa iyo hadana ma cada Cidii ka dambeesay Dilkaani.

Ciidamda Dowlad ayaa haatan ku sugan Goobta uu dilka ka dhacay.

Wixii faahfaahin ah fillo dhawaan

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho