Gudoomiyihii G. Galgaduud “Warbaahinta ayaan ka maqlay Xil ka Qaadisteyda”

Cadaado (KON) - Gudoomiyihii Xilka laga qaaday ee Gobolka Galgaduud, Axmed Xasan Ciyow ayaa "Arin laga xumaado" ku tilmaamay Qaabka loo maray xilka Qaadistiisa.
Warar Keydmedia Online
Gudoomiyihii G. Galgaduud “Warbaahinta ayaan ka maqlay Xil ka Qaadisteyda”

Axmed Xasan Ciyow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aan loo sheegin Xil ka Qaadistiisa, Wuxuu sheegay inuu Warbaahinta kaliya ka maqlay in xil ka qaadis lagu sameeyey, wuxuuna tilmaamay in taasi aysan ahayn Qaab ay ku shaqeyn karto Dowladd.

Ciyow ayaa sheegay inuu Xaq u lahaa in lala socodsiiyo hadii ay dowladdu dooneyso iney xilka ka xayuubiso.

"Ma la i Wargalin in Xilka la iga qaadayo, waxaan u maleynayaa in aan Xaq u lahaa in lala ila socodsiiyo ... Hannaanka Xilka la iga qaaday ma ahan Qaab Sharci ah oo waafaqsan Sharuucda Dowliga ah" Ayuu yiri Axmed Xasan Ciyow.

Axmed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wareejinta xilka gudoomiyenimo ee Gobolka Galgaduud, hadii ay dadka deegaanku raali ka yihiin Gudoomiyaha cusub ee la magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa Shalay loogu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye "Cirfo".

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo