Gudoonka labada Aqal ee BF oo la heshiisiinayo

Khilaafka ayaaa yimid kadib markii Gollaha Shacabka uu la wareegay awoodda dhameystirka xeerka Doorashadda, taasoo Cabdi Xaashi uu kasoo horjeestay.

Warar Keydmedia Online
Gudoonka labada Aqal ee BF oo la heshiisiinayo

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa socda dedaallo lagu dhameynayo khilaafka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dhawaan gaareey meeshii ugu xumeyd.

Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa si gooni gooni ah xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ugula kulmay maalmihii lasoo dhaafey Gudoonada Aqalka Hoose iyo Senate-ka, Maxamed Mursal iyo Cabdi Xaashi.

"Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay kaalin ka qaadato dib u heshiisiinta hey’adaha qaar ee Dowladda Federaalka oo khilaaf uu hareeyey, waxaana socda dadaal ballaaran oo Madasha XQ ugu jirto in dib loo soo celiyo kalsoonidi iyo wada shaqeyntii ka dhaxeysay labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay kadib markii Gollaha Shacabka ka weeciyay Aqalka Sare howsha dhameystirka xeerka Doorashada, iyadoo Mursal uu isku dayay inuu qaraar u bedello go'aankii Xildhibaanada ku ansixiyeen 13-ka kursi ee metalaadda gobolka Banaadir.

Candi Xaashi ayaa ku tilmaamay tallàbadaas mid sharci darro ah, oo dastuurka baalmarsan, isagoo ku eedeeyay Gollaha Shacabka inay sameeyeen xeerar been abuur ah, oo mudo kordhin loogu raadinayo Farmaajo.

Dadku waxay is waydiinayaan mar hadii hay'addii sharci dejinta Wadanka hogaankeeda iska khilaafsan yahay, oo wadashaqeyn ka dhaxeynin, sidee Soomaaliya uga gudbi kartaa marxaladdan hadda ay ku jirto.

Madaxweyne Farmaajo oo ahaa sharci ilaaliyahii dalka, ayaa jebinaya dastuurka, isagoo la saftay hal dhinac oo ah Mursal, maadaama rabitaankiisa ku shaqeynayo, wuxuuna kasoo horjeestay Cabdi Xaashi oo uu doonayo in xilka laga qaado, halkii uu ka dhexdhexaadin lahaa labada Mas'uul.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.