Gudoonka Baarlamaanka oo Shaaciyay Xiliga La Caleema Saarayo Madaxweynaha Cusub

Muqidho (KON)- Gudoonka Baarlamaanka Dowladda Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay xili kama dambeysta ah ee ay dhicin doonto caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Soomaaliya Prpf. Xassan Sheekh Maxamuud.
Warar Keydmedia Online
Gudoonka Baarlamaanka oo Shaaciyay Xiliga La Caleema Saarayo Madaxweynaha Cusub

Maxamed Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta golaha Shacabka ayaa sheegay in maalinta 16 bishaan ay dhici doonto Caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona intaasi ku daray in wixii ka dambeeya 16 bishaan uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wareegi doono talada dalka.

10 bishaan ayay ahayd markii Xassan Sheekh Maxamuud uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho