Guriceel oo lala wareegay iyo Galmudug oo u billowday dagaal cusub

Xoogaga Ahlu Sunna iyo hogaamiyeyaashooda ayaa isku abaabulaya duleedka degmada, waxayna qorsheynayaan weerar rogaal-celis ah.

Warar Keydmedia Online
Guriceel oo lala wareegay iyo Galmudug oo u billowday dagaal cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen degmada Guriceel, ee gobolka Galgaduud Maanta oo Sabti ah.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Keydmedia in Ciidanka huwanta ah ay ku sugan yihiin hadda saldhiga booliska degmada, xarunta maamulka iyo meelaha muhiimka ah.

Ciidamada ayaa mudo todobaad ah dhaq-dhaqaaq ka wadey duleedka magaaladda, iyagoo mararka qaar hoobiyeyaal ku garaacayay, taasoo sababtay in dadkii degaanka ay qaxaan.

Khasaaro xoog leh ayaa labada dhinac kala gaarey, inkastoo tirada rasmiga ah aan la ogeyn, waxayna Saraakiisha Galmudug sheegeen inay ku raadjoogaan hogaanka Ahlu Sunna.

La wareegista Guriceel ayaa ah billowga dagaal cusub oo ka curtay Galmudug, oo horey ula tacaalaysay Al-Shabaab, balse hadda kusoo furantay furun dagaal dhinaca Ahlu Sunna.

Qoor-Qoor ayaa u adeegsaday duulaanka Guriceel Ciidanka Gorgor oo Muqdisho uga soo diray Farmaajo, oo intii uu joogey xafiiska dagaallo sokeeye ka huriyay gobollo badan.

Horey Galmudug hal cadow ayaa ka jiray oo ah Al-Shabaab, laakiin waxaa saaxadda dagaalka kusoo biiray Ahlu Sunna oo mudo Galgaduud gacanta ku haysay oo aad u hubeysan.

Ahlu Sunna waxay khatar-gelin kartaa doorashadda Galmudug, iyadoo laga baqdin qabo in ay ku duusho Dhuusamareeb, maadaama cadaawad ka badan tii hore u qaadey Qoor-Qoor.

2011, ayay Ahlu Sunna dagaal dhiig ku daatey kula gashay kooxda Al-Shabaab Galgaduud, iyadoo qabsatay Guriceel, Dhuusamareeb iyo goobo kale oo tan iyo 2020 ay xukumaysay kahor inta uusan ku duulin maamulka Farmaajo, oo Qoor-Qoor si qasab ah ugu fariisay Kursiga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.