Guterres: Barakacayaasha Soomaaliya waa in la gargaaraa

New-York(keydmedia) Qarmada midoobay ayaa sheegtay in laa baahanyahay aduun lacageed oo dhan $530Milyan si loo taageero qaxootiga iyo barakacayaasha Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ragaadiyeen.
Warar Keydmedia Online
Guterres: Barakacayaasha Soomaaliya waa in la gargaaraa

Antonia Guterres oo ah madax hey’adda arimaha qaxootiga u qaabilsan Qm ee UNHCR ayaa sheegay in Soomaaliya xiligan ay wajaheyso musiibooyin balaaran una baahan in xal deg deg ah laga gaaro.

Qaramada Midoobay waxay sheegtayin inka badan 12,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, tan iyo bilowgii bishii October ee sanadkii tegay, wuxuuna codsaday $530m oo lagu bixiyo mashaariicda dhanka gargaarka ah ee sanadkan 2011.

Inkastoo Qaramada midoobay qeyla dhaantan ay jeedineyso ayaa hadana dhanka kale waxaa xusid mudan in hey’adaha QM iyo kuwa maxaliga ah midkoodna aanu si toos ah taageero u gaarsiin shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, waxaana taa badalkeed qarashaadka loo dalbo sabab la xiriirta taageerada shacabka ay ku dhacaan gacmaha shaqsiyaad gaar ah.

Www.keydmedia.net