Guud-laawe oo ku dhawaaqaya Liiska Musharixiinta Aqalka Sare   

Guudlaawe, ayaa ka mid ah madaxda uu Farmaajo u boobay kuraasta, waxaana dhawaana soo if-baxay warar sheegaya in ay Madaxtoyada isku fahmi waayeen sida uu noqonayo liiska Aqalka sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

Warar Keydmedia Online
Guud-laawe oo ku dhawaaqaya Liiska Musharixiinta Aqalka Sare   

JOWHAR, Soomaaliya - Madaxweyne Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa la filyaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo magacyada tartamayaasha u baratamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijinayan ilo xog-ogal ah oo aad ugu dhow Madaxtooyada Hirshabeelle, Cali Guud-laawe, ayaa qaadi doona waddo ka duwan jidkii ay qaadeen Madaxda kale ee Maamul goboleedyada, waxaana la rajeynayaa inuu  isku kursi ku qoro siyaasiyiin miisaan xooggan leh.

Waxaa maalmihii la soo dhaafay Jowhar ku sii qulqulayay, shaqsiyaad doonaya in ay Madaxweynaha Maamulkaas u caddeeyaan masharraxnimadooda, waxaana maanta xarunta gobolka Shabeellaha dhexe gaaray Sanatar Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, oo afartii sano ee la dhaafaay ku fadhiyay kursiga Aqalka Sare ee Maamulkaas.

Hirshabeelle, ayaa ah maamulka kaliya ee aan wali laga daahfurin doorashooyinka dadban ee sanadkaan ka dhacaya dalka, waxaana dhawaan qeyb ka mid ah maamullada ka bilaaban doonta doorasada Aqalka hoose.

Guudlaawe, ayaa ka mid ah madaxda uu Farmaajo u boobay kuraasta, waxaana dhawaana soo if-baxay warar sheegaya in ay Madaxtoyada isku fahmi waayeen sida uu noqonayo liiska Aqalka sare ee ka imaanaya Hirshabeelle.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.