Guudlaawe oo dib ugu laabtay Hirshabeelle

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dib ugu laabtay xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo dib ugu laabtay Hirshabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirar looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo xalinta khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxa uuna xilli dambe kamid noqday madaxweynayaashii diiday muddo kordhintii loo sameeyay hay'adaha dowladda.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka uu iclaamiyay Ra'iisul Wasaare Rooble ee lagu wado 20 ka bishan in uu ka qabsoomo xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.