Guudlaawe oo gaaray Galmudug

Madaxweynaha aan la caleema saarin ee Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo gaaray Galmudug

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa galabta ka dagay caasimadda Galmudug ee Dhuusamreeb halkaas oo la filayo inuu dhawaan ka furmo shir u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Waftiga uu hoggaaminayay Guudlaawe waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweyne Kuxigeenka iyo mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Cali Guudlaawe ayaa noqday Madaxweynihii Labaad ee gaara Dhuusamareeb, waxaaana kaga sii horreeyay Cabdicasiis Lafta-gareen oo maanta duhur-kii ka dagay Caasimadda Gobalka Galgaduud ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa maanta inta uusan soo duulin ka hor ka qeyb galay fadhigii Baarlamanka Hishabeelle ee ka dhacay Jowhar, ayaa codsaday in loo kordhiyo muddada uu kusoo dhisayo golihiisa cusub ee wasiirrada.

Dhuusamareeb waxaa la filayaa marka ay kusoo aruuraan Madaxda dhiman, uu ka furmo shir muhiim ah oo jid loogu bixinayo is faham waaga ka taagan doorashooyinka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.