Guudlaawe oo ku gacan seyray dalab kaga yimid Farmaajo

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdulahi Guudlaawe, ayaa ku gacan seyray codsi kaga yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo ku gacan seyray dalab kaga yimid Farmaajo

JOWHAR, Soomaaliya – Sida ay xaqiijinayaan ilo muhiim ah oo aad ugu dhow Madaxtooyada Dowlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxweynaha maamulkaas, Cali Guudlaawe, ayaa ku gacan seyray dalab uga yimid Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, oo ahaa inuu tartanka kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS, ka reebo Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Xaaji Muuse, ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa Sanatarkii ugu miisaanka cuslaa, Sideedda sanatar ee laga soo doorto Jowhar, afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray is hor istaaggii muddo kordhintii uu Farmaajo sameystay bishii April ee Sanadkaan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Cali Guudlaawe, u dirtay bashqad afka ka xiran oo ay ku jiraan magacyada Cabdulahi Sheekh Xasan iyo Nabaddoon Muxuddiin Xasan Afrax, oo labadaba si weyn kaga qeyb qaatay dalaalladii lagu doonayay in Farmaajo, dalka sifo sharci darro ah ku sii hoggaamiyo muddo labo sano ah.

Hayeeshee, Cali Guudlaawe, wuxuu Farmaajo, ku wargaliyay in kusiga Xaaji Muuse, uu yahay midka ugu misaanka culus beeshiisa, indhahana lagu wada haayo, sidaas daraaddeed ayasan macquul ahayn inuu ka reebo tartanka.

Sida uu KON, u sheegay, xubin ka tirsan howlwadeennada xaafiiska Guudlaawe, liiska musharixiinta ee ka soo wajahan Jowhar, waxaa ugu horreeya kusiga Sanatar Yalaxow, oo lala tartansiin doono shaqsi aan saameyn weyn lahayn.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.