Guudlaawe oo kulan la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan gaar ah la qaatay xubno ka tirsan wakiilada Beesha Caalamka

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo kulan la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la kulmay Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, iyagoo kulankooda uga wada hadlay arrimaha doorashooyinka amniga iyo Bini-aadannimada.

Wakiilada oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa looga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Dowlad goboleedka Hirshabeelle. Guudlaawe ayaa xubnaha wakiilada Beesha Caalamka u ballan-qaaday inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah kooxda Almahabab ee ka socda Magaalooyinka hoostaga Hirshabeelle waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada AMISOM.

Guudlaawe ayaa bogaadiyey dadaallada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Soomaaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helidda aafooyinka fatahadda iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

Xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray arrimaha doorashooyinka, amniga iyo dib-u-heshiisiinta iyagoo cadeeyay in maamulka Hirshabeelle ay ka caawin doonaan xal u helidda fatahaadaha iyo sidoo kale arrimaha bini-aadannimada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.