Cali Guudlaawe oo mar kale hor istaagay damaca Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin iyo Farmaajo, oo rumeysan in aysan xubno baarlaman oo xooggan ka heli doonin Jowhar iyo Baladweyne, ayaa saraakiil sirdoon u diray Guudlaaw, kuwaas oo aan helin jawaab ku filan.

News Keydmedia Online
Cali Guudlaawe oo mar kale hor istaagay damaca Fahad Yaasiin

JOWHAR, Soomaaliya – Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo wakiil ka ah Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, u jeedkooduna yahay in ay Guudlaawe, kala hishiiyaan boobka qaar ka mid ah kuraasta Golaha shacabka ee BJFS, ayaa maalintii labaad ku sugan xarunta Hirshabeelle ee Jowhar.

Sida ay Keydmedia Online, u sheegeen xubno ka tirsan howl-wadeennada xaafiiska MW Guudlaawe, kulan qarsoodi ah, oo saacado badan qaatay ayaa xalay ka dhacay Madaxtooyada Jowhar, kadib markii gawaari muraayado madow ay xarunta ku tageen saraakiisha ka socday Villa Soomaaliya.

Saraakiishaan, waxaa hoggaamiyaya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi [Dheere], oo ah qabbaanka ugu weyn ee Fahad Yaasiin, halka ay wehliyaan, Cabdullaahi Kullane (Jiis) oo Farmaajo ku heyb ah iyo Sarkaalka NISA ugu magacaaban Maaliyadda, oo “Wiilka Fahad” loogu yeero, ee Mukhtaar Ismaaciil.

Xogo sirdoon, oo ay heshay KON, ayaa sheegaya in ay Cali Guudlaawe u geeyeen magacyada shaqsiyaad uu Fahad Yaasiin doonayo in la soo saaro, kuwaas oo intoodana badan ka soo jeeda beelaha Ciise Mudulood (Ujeejeen), Hillibi iyo Moobleen, oo ka mid ah beel-weynta Mudullood ee ku dhaqan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,

Ma cadda jawaabta rasmiga ah oo ay kala kulmeen, Guudlaawe, hayeeshe, ilo loo qaateen ah, ayaa sheegaya in MW Hirshabeelle, uu Cabdiraxmaan Dheere iyo kooxdiisa, ku war-galiyay in dib ugu laabtaan Muqdisho, nabad-sugidduna faraha kala baxdo, arriimaha doorashooyinka Maamulkiisa.

Guudlaawe, oo hore kooxda waqtigu ka dhamaaday ugu wargaliyay inuu ka laabtay qorshe ay hore iskula dajiyeen oo ahaa in qaar ka mid ah kuraasta taalla Baladweyne loo soo raro Jowhar, ayaa mar kale u muuqda inuu hor istaagi doono damaca ay ku doonayaan boobka kuraasta beelaha qaar.

Sida aan hore u baahinnay Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, wuxuu sanadkaan doonayaa inuu disho musharrax Madaxweyne Cosoble, oo ay qaraabo dhow yihiin, kaas oo ah shaqsiga ilaa hadda xubnaha ugu badan uga soo baxeen Jowhar, halka uu muuqdo doorka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Fahad Yaasiin ayaa lahaa sababtii uu Guudlaawe ku noqday Madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana inta badan xildhibaannada maamulkaas laga qoray xarunta NISA, hayeeshee, qorshihii uu ka damacsanaa Guudlaawe ee ahaa hirgalinta boobka kuraasta baarlamaanka heer federal ayaa fashil u muuqda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.