Guudlaawe oo talo farahiisa ka baxday

Maalin walba waxaa kordhaya carada ay qabaan reer Beledweyne, waxaana sidoo kale sii fogaanaya hamigii laga lahaa in dadkaasi la qanciyo.

Warar Keydmedia Online
Guudlaawe oo talo farahiisa ka baxday

Madaxweynaha maamulka Hirsabelle Cali Guudlaawe ayaa u muuqda mid haatan ay talo farihiisa kasii baxayso, kadib markii uu ku fashilmay xalinta tabashada reer Beledweyne.

Guudlaawe ayaa mucaarad kala kulmay waxgarad iyo siyaasiyiin reer Beledweyne ah tan iyo markii xilkasi loo doortay, hase ahaatee illaa iyo hadda ma jirto tallaab nabadeed oo uu u qaaday xalinta arrintan.

Maalin walba waxaa kordhaya carada ay qabaan reer Beledweyne, waxaana sidoo kale sii fogaanaya hamigii laga lahaa in dadkaasi la qanciyo.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Guudlaawe aanu hayn qibrad ama talo uu ku xaliyo arrinta B/weyne, waxaana taas ay keentaa in halkii waan waan laga sugayey ay arrinta geed dheer fuushay.

Dhanka kale, dowladda Farmaajo ayaa dooneysa in shacabka B/weyne ay si qasab ah ugu geyso maamulka Hirshabelle, iyada oo awood u adeegsanaysa.

Ciidanka qaranka iyo kuwa AMISOM ayaa loo adeegsaday shacabka B/weyne si ay dadka ugu cadaadiyan iney maamulkaasi raacaan.

Laakiin shacabka ayaa habeen iyo maalin dhigaya banaanbaxyo ka dhan ah Hirshabelle iyo Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.