Guuleed: Galmudug waxay qarka u saaran tahay inay gasho gacata Al-Shabaab

Qorsho xumada amni ee Qoor-Qoor ayaa sabab u noqday inay Al-Shabaab ku xoogeysato degaanada maamulkan.

Warar Keydmedia Online
Guuleed: Galmudug waxay qarka u saaran tahay inay gasho gacata Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdisalan Guuleed ayaa sheegay in Galmudug ay khatar ugu jirto in Kooxda Al-Shabaab ay wareegto, kadib markii uu Qoor-Qoor ku fashilmay amniga.

"Dayacaadda amniga ee Maamulka Qoor-Qoor ayaa u sahlaya Al-Shabaab inay dhul badan la wareegto, oo meel 10-KM u jirta Dhuusamareeb ay dhigato Jid-gooyo ama Isbaaro," ayuu yiri C/salaan Guuleed.

Dad badan ayaa su'aallo ka keenay Istaraatiijiyadda amni ee Qoor-Qoor iyo qorshahiisa la dagaalanka Al-Shabaab oo aan mas'uuliyad la iska saarin labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo qaladkii ugu waynaa uu Farmaajo sameeyay ahaa in Ahlu Sunna burburiyo.

Ahlu Sunna ayaa Al-Shabaab ka saartay Dhuusamareeb, Guriceel iyo inta u dhaxaysa 13 sano kahor, iyadoo intii ay maamulayeen magaalooyinkan aysan marna Al-Shabaab soo haweysan inay duulaan soo qaado.

Qoor-Qoor ayaa ku mashquulay ka shaqeynta danaha Farmaajo, wuxuuna waqtigiisa ugu badan ku bixiyay Muqdisho oo xafiiskiisa shaqada ka dhigtay, isagoo dayacay mas'uuliyaddii uu u dhaartay ee Galmudug.

Al-Shabaab ayaa shalay la wareegtay Bacaad-weyne oo maalin kahor Ciidamada qabsadeen kadibna ay soo faarujiyeen, sidoo kale waxay Kooxda gacanta ku dhigtay degaanno dhowr ah oo ku dhaw magaaladda Hobyo, ee gobolka Mudug.

Waxay Al-Shabaab weeraro joogto ah ku haysaa Dhuusamareeb, oo hadda banaanka looga bixi karin, cabsi amni, waxayna xaaladda u muuqataa inay magaaladda kasii go'doomayso qeybaha kale ee Galgaduud.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.