Guuxa shacabka oo tookh cidlo ah ku suntay hadallada Farmaajo

Labo bil kadib markii loo dhiibay xilka Madaxweynaha, wuxuu London, kaga qeyb galay shirkii looga hadlayay amniga Soomaaliya, kaas lagu ballamay in la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 18,000 oo askeri oo ka kala imaanaya maamullada, si ciidamo cusub ay amniga dalka ugala wareegaan AMISOM.

Warar Keydmedia Online
Guuxa shacabka oo tookh cidlo ah ku suntay hadallada Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudadu ka dhamaatay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmajo, ayaa wali sii wada marin habaabinta bulshada, wuxuuna maalmihii danbe joogto ka dhigay sheegashada waddaniyad aan waxba ka jirin oo uusan ficilkeeda lahayn.

Kulan u jeedkiisu ahaa sameynta barabagaando hor leh, oo uu la qaatay qeyb ka mid ah ilaalada Madaxtooyada, (Koofiya Cas) ayuu ku sheegay inuu dhisay ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, hayeeshee, bulshada ayaa is weydiineysa Farmaajo ciidanka ma kala qeybiyay mise waa dhisay?

Labo bil kadib markii loo dhiibay xilka Madaxweynaha, wuxuu London, kaga qeyb galay shirkii looga hadlayay amniga Soomaaliya, kaas lagu ballamay in la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 18,000 oo askeri oo ka kala imaanaya maamullada, si ciidamo cusub ay amniga dalka ugala wareegaan AMISOM.

Bulsha weynta Soomaaliyeed, waxa ay is weydiinayaan Farmaajo, muxuu ka dhaqan galiyay heshiiskaas? halkayse ku danbeeyeen ciidankii qaran ee isku dhafka ahaa, kuwaas oo la qorsheeyay in ay billowgii sanandkaan ammaanka dalka kala wareegaan AMISOM?.

Dismaha ciidan, iyo cududda uu dhidibada u taagay ee sida ka fiirsi la’aanta ah uu ugu tookho had iyo jeer, maxay ugu suura galin la’yihiin inuu bannaanka uga soo baxo Villada, oo ugu yaraan uu dad weynaha ula tukan la'yahay salaadaha Ciidda? Ayaa ka mid ah su’aalaha ka soo yeeraya guuxa shacabka.

Farmaajo, wuxuu kala jabinta ciidanka ka billabay ilaalada Madaxtooda ee uu shalay kulanka la qaatay, wuxuuna guud ahaan ciidankii uu ugu yimid Villa Soomaaliya, ku daadiyay furumaha, isagoo ku badelay kuwo intooda badan laga soo daad gureeyay, gobolka Gedo.

Wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee muddo 10 sano ka badan, Ciidanka Qalabka Sida labo saf kala galiya, tan iyo dowladdii Cabdullahi Yuusuf, isla-markaana qeyb ka mid ah ku sunta maleeshiyaad qabiil, qaarna ka yeela maqaawiir qaran.

Hadallada Farmaajo, waxaa ka mid ahaa, in aysan fari ka qodneyn, hayeeshee uu rajeynayo inuu soo celiyo heybaddii ciidanka, “afar sano kadib, haddii aysan fari ka qodneyd afar kalana fool uma dhaqi kartid” ayaa ka mid ah jawaabaha ay bulshadu kaga falcelisay hadalka Madaxweynihii mudadu ka dhamaatay.

Dhamaadki bishii April, Ciidankii ugu badnaa oo ka tirsan Xoogga Dalka, ayaa dib ugu soo laabtay Caasimadda, kadib markii uu Farmaajo, sameystay muddo kororsi, kuwaas oo noqday ciidankii ugu horreeyay taariikhda Africa, ee xukunka ka badbaadiya gacan kalitalis, kuna ilaaliya wadada qori-isku-dhiibka ee dimuraadiyadda.

Tan iyo markii uu Farmaajo, yimid ma jro howlgal xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo maamulkiisu qaaday, amniga dalka ayaana la rumeysan yahay inuu ka liito sidii uu ahaa afar sano ka hor.

Heshiiskii dowladihii hore la galeen Turkiga, ee la xariiray dib u dhiska ciidanka, ayuu si qaldan u adeegsaday, wuxuuna ciidamada Gorgor iyo Haramcad, ka dhigay fadhiid, danahiisa ka shaqeeya difaacna uga jira taallada Daljirka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.