Guuxa Dadweynaha: Barlamaanku waxuu ku xad gudbay Shacabka Reer Muqdisho

Muqdisho (KON) - Barlamanka Federalka wuxuu ku xad gudbay Gobolka Banaadir iyo shacbiga Muqdisho oo in mudo ah Marti gelinayey Xildhibaanayaasha, ka dib markii ay isku dayeen inay hakad geliyaan Horumarka Caasimada Dalka.
Warar Keydmedia Online
Guuxa Dadweynaha: Barlamaanku waxuu ku xad gudbay Shacabka Reer Muqdisho

Waxay doonayaan in ilaha Dhaqaale la xidho. Mooshin-Buuq & fowdo ay Qal qal ku geliyaan Shirkadaha ka hawlgala Caasimaada sida Turkiga Dhisaya Airporka (Aden Cade Airport) & Dekedda Muqdisho

Dadweynaha Muqdisho way ogyihiin kuwa diidan Horumarka Muqdishio inay yihiin kuwa aan ka hadli karin dhismaha airporka Hargeysa, Kismayo, & Dekedaha Bosaso ama tan Berbera, waayo Mamulka Puntland ama soomaaliland uma ogola in Cid faraha la gasho hawshooda. Hadaba waxaa isweydiin mudan sababta Mamulka Gobolka Benadir ee Muungaab afka qabtay?

Shacbiga & Ganacsatada Reer Muqdisho, waa inay foojignaan dheeri ah siiyaan arintaan la Xiriirta Dhaqaale oo lagu Cunaqabteenayo Shacabka Reer Muqdisho.

Aragtida: M. Diirane.

Keydmedia.net




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.