“Ha IS CASISHO Duwladdu wey fashilantay” Xildhibaan Amiin Jeesoow.

Muqdisho (KON) — Xildhibaan Daahir Sheekh Amiin Jeesoow ayaa ugu baaqay Dawladda Raisul wasaare C/wali Sh. Axmed in ay is Casisho maadaama ay ku fashilatay sugida Amaanka Wadanka, gaar ahaan Ammanka Caasimadda Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
“Ha IS CASISHO Duwladdu wey fashilantay” Xildhibaan Amiin Jeesoow.

Daahir Sheekh Amiin Jeesoow, oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay wax ka qabashada dhanka amaanka ee Caasimada Dalka.

Waxuu Xildhibaan Daahir Sheekh Amiin Jeesoow, tilmaamay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku mashquulsan tahay dhisida Maamul Goboleedyo uu yeesho Dalka Soomaaliya iyo Dano gaar u ah ayaga, mar hadey sidaas tahay oo ay sugiwayeen Ammanka Bulshadda Soomaaliyeed waa in ay IS CASILAAN, ma jirto sabab ay u sii joogaan ayuu yiri Xildhibaan Dahir Sh. Amiin Jeesoow.

Qeyladhaanta Xildhibaanka ayaa ku soo aaday kadib markii Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen Qaraxyada iyo Dilalka Qorsheysan ee lagu beegsado Saraakiisha Ciidamada iyo Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Keydmedia Online