Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD), ayaa soo saaray shuruudaha laga maarmaanka ah ee ay tahay inuu buuxiyo qofka cabasho ka qaba doorashada Golaha Aqalka Sare.

Warar Keydmedia Online
Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare

MUQDOSHO, Soomaaliya - Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD), ayaa soo saaray Habraaca Xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, waxayna soo gudbiyeen afar shuruudood oo laga maarmaan ah.

Qodobka 1aad, waxaa lagu sheegay in murashaxa laga doonayo inuu soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare si waafaqsan qodobka Qodobka 58 aad ee Dastuurka, islaimarkana ay u dhanyihiin sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban.

Qodobka 2aad, Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland.

Qodobka 3aad, Waxaa lagu xusay in qofka cabashada qaba uu codsi qoraal ah u soo gudbiyo Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyo foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

Qodobka 4aad, Sida ku xosan qodobkaan qofka dacwoonaya ee cabashada qaba waa in uu bixiyaa lacag diiwaan galin ah oo gaareysa 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) si loogu furo galka baarisya.

“Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanaaya go’aanuu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood”. Ayaa lagu yiri, habraaca ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban.

Sida uu qeexayo habraacii kama dambaysta ahaa ee doorashada, maanta oo Axad ah kuna asteysan July 25, 2021, ayuu qorshuhu ahaa in la guda galo  doorashada Aqalka Sare, hayeeshee, muddeyntaas ayaa u muuqata mid mar kale la sii madli doono.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.