Hadalka Axmed Madoobe ee Gedo yaresi maleh

Axmed Madoobe ayaa doonaya in marka hore ciidanka DFS laga saao Gedo, kahor doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Hadalka Axmed Madoobe ee Gedo yaresi maleh

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta khudbad ka jeediyey golaha wakiilada maamulkiisa, waxaana ay ahayd furitaanka Kal-fadhigga Saddexaad ee golahan.

Madoobe ayaa soo hadal qaaday arrinta Ammaanka ee Gobolka Gedo, heshiiskii uu arrintaasi kala gaaray Dowladda Farmaajo iyo soo daabulista lagu ballamay ciidanka DFS ee gobolkaas la geeyey.

Waxa uu sheegay in marnaba aanay Doorasho ka dhici doonin Gobolka Gedo inta ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka ah, sida Keydmedia Online ay hore usoo qortay. 

Dowladda ayuu sheegay weli dhinaceeda ay wax ka socon la' yihiin, balantuna ay ahayd in Gedo laga daabulo ciidanka uu Farmaajo geeyay.

Hadalkan ayaa u muuqanaya mid uu Axmed Madoobe ugu sii digayo Farmaajo, si aanu hadhow isugu dayin in doorasho lagu qabto Garbahaarey, Gedo iyadoo aan ciidanka la qaadin.

Waa arrin dhabar jebin doonta hannaanka geeddi socodka doorashooyinka, haddii aanu Farmaajo fulin heshiiskii uu la galay Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo oo Farmaajo uu kasoo jeedo beel ahaan, ayaa muddo diidanaa iney hoostagaan maamulka Jubbaland, balse waxay taageero heleen markii uu Farmaajo xilka qabtay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.