Wararka Farmaajo oo laga mamnuucay Warbaahinta Qaranka

Farmaajo, oo xalay qaaday tallaabo is-miidaamin siyaasadeed ah, ayaa laga hor istaagay inuu wararkiisa ku baahiyo warbaahinta Qaran, wuxuuna noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee marti ka noqda warbaahita Dowladda.

Warar Keydmedia Online
Wararka Farmaajo oo laga mamnuucay Warbaahinta Qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya – Bogga Facebook uu ku leeyahay Telfeshinka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa laga saaray waraaq ka soo baxday Xaafiiska Farmaajo, kadib markii ay taallay daqiiqado yar, waraaqdaaas, waxaa ku qornaa magacaabis sharciga baal-marsan oo uu sameeyay Madaxweynihii hore.

Sida ay sheegayaan xogo muhiim ah, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Wasiirka Warfaafinta Cismaan Dubbe, ku amray in Warbahita qaranka laga saaro warka baal-marsan dastuurka dalka u yaalla, waxaana xitaa adminka bogga Facebook ee SNTV oo laga tuuray Agaasimiha Warbaahinta Villa Somalia, Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

Tallaabadaan, ayaa noqotay mid layaab ku abuurtay shacabka, waxaana dadka soo xasuusiyay Sawiraddii Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame, ee hore looga saaray bogga SNTV.

Dhanka kale, markii uu soo baxay warka Ra’iisl Wasaaraha ee uu kaga jawaabayay waraaqda ka soo baxday Xaafiiska Farmaajo, ayaa si weyn loogu baahiyay baraha Dowladdu wararka ku faafiso, marka laga yimaado bogga Villa Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.