Hadraawi: Aduunka waxaan ugu jeclahay Soomaaliya oo mid ah

MUQDISHO(KEYDMEDIA)Abwaanka Soomaaliyeed Max'ed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ah ergo ka socota maamulka Hargeysa oo sahay gargaar keentay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ku soo laabashadiisa Muqdisho isagoona tilmaamay dhibaatada jirta inuu aad uga xumaaday.
Warar Keydmedia Online
Hadraawi: Aduunka waxaan ugu jeclahay Soomaaliya oo mid ah

Hadraawi ayaa sheegay in mar walba uu ku riyoodo midnimada iyo wada jirka umada soomaaliyeed waxaana uu xusay raja wanaagsan inuu ka qabo dhab noqoshada hamigiisa, isagoona xusay kaliya in loo baahanyahay xal u helida waxyaabaha la kala tabanayo.

 " Riyadeyda iyo waxa aan aduunka ugu jeclahay waa midnimada soomaaliya, waxaana rajeynayaa in ay hirgali doonto" sidaa waxaa yiri Abwaan Hadraawi oo intaas ku daray inta uu nool yahay inuu rajeynayo Soomaali uu midowda gacmahana is heysta.

Max'ed Ibraahim Hadraawi ayaa ah abwaan ku caan baxay curinta suugaan wax tar leh oo xiisa galisa bulshada isla markaana soo jiidata inta wanaaga jecel, waana abwaan ay umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogto ay si weyn ugu faanto hal abuurkiisa.

WWW.KEYDMEDIA.NET