Kenya finalising miraa trade deal with Mogadishu
Go'aankan ayaa timid kadib markii Todobaadkii hore diyaarad laga soo celiyay gobolka Gedo, iyadoo lagu eedeeyay Wasaaradda Duulista Hawada inay ku fashilantay amniga Garoomada iyo ilaalinta badqabka diyaaradaha.
MUQDISHO, Soomaaliya - Laga billaabo berri, June 19 ma jiro doono wax duulimaad ah oo gudaha Soomaaliya ka shaqeynaya, kadib markii shaqo-joojin ay sameeyeen shirkadaha duulimaadka.
Qoraal uu soo saarey Ururka diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa lagu shaaciyay go'aanka, oo loo sababeeyay amni darro ka jirta dhanka Garoomada dalka, taasoo khatar ku ah amniga diyaaradaha iyo dadka rakaab ah.
Hay'adda duulista rayidka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen inay ka gaabisay ilaalinta amniga diyaaradah iyo inay Garoomada gobollada dalka ka dhigto meel la isku hallen karo badqabkooda.
Waxay sheegeen inaysan shaqada billaabi doonin illaa wax laga qabanayo sababta keentay shaqo-joojinta, oo saameyn xooggan ku yeelatay kumanaan dad ah oo maalin walba isaga kala gooshi jiray gobollada dalka, maadaama dhulka Al-Shabaab laga baqayo.
Diyaaradaha gudaha ka shaqeeya waxay galeen booskii baabuurta loogu safri jiray magaalooyinka, kadib markii Al-Shabaab ay wadooyinka go'doomiyeen, iyadoo Muqdisho iyo Jowhar oo 90KM isku jira diyaarad loo raaco, sababo amni.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments