“Halaga fogaado Saldhigyadda Al-Shabaab”

Nairobi (KON) - Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ay duqeyn doonto Saldhigyadda Kooxda Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka, baaqnah u dirtay Shacabka u dhow Saldhigyadda Kooxda Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
“Halaga fogaado Saldhigyadda Al-Shabaab”

Afhayeenka Milateriga Kenya, Emmanuel Chirchir oo ka hadlayay la Dagaalanka Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan Duqeyn ay ku qaadaan Saldhigyadda Kooxda Al-Shabaab iyo Xarumaha ee ay ciidamadooda kaga sugan yihiin Kooonfurta Soomaaliya.

Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in hadda heer gabo gabo ah u marayso diyaargarow Duulaan ay Al-shabab ku qaadayaan "Waxaan Qorsheyneynaa in aan soo Afjarno Dagaalka oo Weerarno Saldhigyadda Kooxda Al-Shabaab"

"Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Gedo, Jubbad Hoose iyo Jubbada dhexe waxaan u sheegeynaa, weydiisaneynaanah inay ka fogaadaan Saldhigyada, xeryaha ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab” ayuu yiri Emmanuel Chirchir.

Milateriga Kenya ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen Duqeyntii Saldhiga Al-Shabaab ay ku lahayd duleedka degmada Diinsoor dhamaadkii Bishii Oktober ee lasoo dhaafay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxey Gabaad ka dhigtaan Goobaha Dadweynuhu kusoo Qaxay, ama daganyihiin, mana u suurtagali karto Shacabka intooda badan in ay Goobahaas ka Qaxaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.