Halis amni oo ka jirta magaalada Muqdisho

Muqisho ayaa laga baqayaa in xilligan ay ka dhacaan falal ammaan darri.

Warar Keydmedia Online
Halis amni oo ka jirta magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, ayaa isku diyaarineysa martigelinta doorashooyinka, iyadoo xilligan uu muuqdo dabacsanaan dhanka ammaanka ah.

Wixii ka dambeeyey heshiiskii doorasho ee Muqdisho ku gaareen DFS iyo dowlad goboleedyada, waxaa soo baxaya durbo daciif dhanka amniga ah oo ay dowladdu sameysay.

Dowladda oo laga sugayey iney ammaanka aad usii adkeyso ayaa bilowday in meelaha qaar ayba ka qaaddo ciidankii amniga sugayey ee gaadiidka baari jiray.

Quburada ammaanka ayaa qaba in tani dan kale ay ka leedahay dowladda, maadaama loolan adag oo doorashada ah uu ka dhici doono magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiinta ayaa aaminsan in tani ay u muuqato mid lagu doonayo in dhib loogu geysto mucaaradka dowladda, mar haddii meelaha ugu badan ee ciidanka laga qaaday tahay goobaha ay deggan yihiin mucaaradka.

Farmaajo oo ay u socon weysay muddo kororsi, laguna fahmay riyadii ahayd qof iyo cod, ayaa weli ku mashquulsan fikrado cusub iyo qorsheyaal uu kusii joogo Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.