Halkaan ka Daawo Sawiradda sidee reer Canada usoo dhaweeyeen Fawsiya Yusuf

Toronto (KON) - Iyadoo Booqasho ku joogtay dalka Canada ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Marwo Fawzia Yuusuf Xaaji Aadan iyo wafdi ay hogaamineysay ayaa waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu qabtay xaflad soo dhaweyn ah.
Warar Keydmedia Online
Halkaan ka Daawo Sawiradda sidee reer Canada usoo dhaweeyeen Fawsiya Yusuf

Waxaa hotelka weyn ee DAYS HOTEL PLAZA ee galbeedka magaalada Toronto lagu qabtay xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ayna kasoo qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Odayaasha, Culumaa udiinka, Haweenka, dhaliyarada, Fanaaniinta, Bahda Saxaafada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada Toronto.

Waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay xafladaan qaar kamid ah xildhibaanada sadaxda xisbi ee ka dhisan dalka Canada oo iyaguna ka qeyb qaatay soo dhaweynta marwo Fowzia iyo wafdigeeda, muujiyayna taageerada ay u hayaan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto.

Wafdiga Marwo Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Marwo Yusur Aadan Abraar, danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb Mohamed Cali Nuur  Americo, iyo diplomaasiyiin kale oo ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliya