Halkee ku dambeeyay Shirkii Farmaajo iyo Madaxda DG?

Villa Somalia ayaa qoraal ay soo saartay xili habeen ah ku shaacisay in maalinti xigtay 18-ka February uu Farmaajo la kulmayo Madaxda Maamulladda iyo duqa Muqdisho, 18 iyo 19-ka ayaa loo qorsheeyay.

Warar Keydmedia Online
Halkee ku dambeeyay Shirkii Farmaajo iyo Madaxda DG?

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa 18-kii bishan ku dhawaaqay inuu Muqdisho ku qabayo Shir ku saabsan arrimaha doorashadda.

Villa Somalia ayaa qoraal ay soo saartay xili habeen ah ku shaacisay in maalinti xigtay 18-ka February uu Farmaajo la kulmayo Madaxda Maamulladda iyo duqa Muqdisho, 18 iyo 19-ka ayaa loo qorsheeyay.

Ma ahayn kulanka Farmaajo daacad ka ahaa, maadaama sida muuqata la dejidejiya waqtiga uu furmayo, mana caddeyn inay Villa Somalia wadatashiyo fiican sameysay hogaamiyeyaasha Maamulada dalka.

Shirka ayaa la filayay inuu Madaxtooyadda ka furmo Kulanka, laakiin ma uusan dhicin, waxaana loo sababaynayaa baaqashadiida saddex arrimhood, oo kala ah banaanbaxa, diidmadda Deni iyo Madoobe.

Waxay gudiyadda farsamo ee ku kulmay Baydhabo soo saareen qoraal ay ku sheegaan inuu jiro isa soo dhawaansho qodobadii la isku hayay, ee ka ah Gedo, gudiga doorashada heer qaran iyo kan Somaliland.

Waxaa Muqdisho Arbacadii soo gaarey Lafta-Gareen iyo Guudlaawe, oo ah Madaxda Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, iyadoo ay maqan yihiin Madaxda Puntland, Galmudug iyo Jubbaland, oo baaqday.

Baaqashadda Shirka ayaa ah astaan muujinaysa in dhinacyada ay weli aad u kala fog yihiin, islamarkaana aysan jirin ka go’naasho dhanka Farmaajo in heshiis laga gaaro qodobada hortaagan doorashadda dalka.

Farmaajo waxaa laga fujin waayay Gedo ku wareeji Axmed Madoobe, sii uu u qabto doorashadda Garbahaarey ee 16-ka kursi ee Xildhibaanadda heer Federaal, si waafaqsan heshiiskii Sep 17, 2020.

Xiligan waxaa soo gaarsiiyay dalka inuu dowlad iyo doorasho la’aan noqdo waxaa mas’uuliyadeeda leh Farmaajo, oo u tanaasuli waayay danta dalka iyo dadka, isagoo jebiyay dastuurka uu u dhaartay 2017.

Haddii uu heshiis iyo xal doonayo Farmaajo kama uusan soo tagi lahayn gogosha Shirkii ugu dambeeyay ee Dhuusamareeb kahor Fe 8 oo maalmo loo fadhiyay sidii loo soo afjari lahaa khilaafka doorashadda.

Lama oga inuu Farmaajo markale kulan la yeelan doono Madaxda Maamuladda, iyadoo uu jiro cadaadiska beesha Caalamka oo u badatay dhanka Mucaaradka dowladda uu waqtiga ka dhamaaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.