Halkuu ku danbeeyay guddigii loo xil-saaray baarista af-ganbigii 27 Dec?

Ku dhawaad 25 cisho, ayaa laga joogaa markii uu Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta magacaabay guddi soo baara dhacdadii Isniintii ugu danbeysay 2021 ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.

News Keydmedia Online
Halkuu ku danbeeyay guddigii loo xil-saaray baarista af-ganbigii 27 Dec?

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 2 January 2022, magacaabay guddi baaraya isku dayga afganbigii dhicisoobay 27 December 2021, hayeeshee, 24 cisho kadib ma jiraan wax natiijo ah oo ka soo baxay baaritaanno ay sameeyeen guddigaas.

Xubnaha guddiga la magacaabay, ayaa dhamaandood ah shaqsiyaad ku dhow Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka mid ah Wasiirka gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,  Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiiru-dowlaha Hawlaha Guud Gen Bashiir Maxamed Jaamac.

Keydmedia Online, ayaa fahansan in guddigu kulamo su’aalo weydiin ah la qaateen saraakiil ciidan oo ay ku jiraan xubno kala duwan oo muhiim u ah amniga Madaxtooyada, kuwas oo intooda badan iska fogeeyay in ay wax ka ogaayeen af-ganbigii dhicisoobay.

Sida ay caddeynayan xogo hoose, cadaadis ka yimid dibadda, gaar ahaan Mareykanka ayaa lagu hakiyay sii socoshada baaritaanno ay dhamaadkii December iyo billowgii Jannaayo, sameeyeen guddiga, waxuuna RW Rooble, u muuqadaa inuu ka gaabsaday arrinkaas.

Saraakiil badan oo qeyb ka ahaa, inqilaabkii dhicisoobay, ayaa la filayay in ay la kulmaan xil ka qaadis iyo darajo ka xayuubin ciidan, hayeeshee filashadaas iyana ma hirgalin oo Rooble iyana wuu ka gaabsaday.

Dadka siyaasadda u dhuun-duleela, ayaa hore u sheegay in guddigaan uu la mid noqon doono kuwo uu Rooble hore u magacaabay, kuwaas oo qaarkood aysan waligood kulmin si ay ugu howl-galaan shaqada loo igmay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.