Halkuu marayaa qorshihii CQS kula wareegayeen amniga dalka?

Waxaa mudooyinkii ugu danbeeyey socday qorshe la xiriira sidii amaanka dalka loogu  wareejin lahaa ciidamada dowladda, taasoo meesha ka saareysa kaalinta joogitaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Halkuu marayaa qorshihii  CQS kula wareegayeen amniga dalka?

MUQDISHO, Soomaaliya - Dardar-galinta qorshahan ayaa waxaa kulan ka yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah  Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Diomede Ndegeya.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa lagu lafa guray, doorka howsha nabad ilaalinta ee ay Amisom ka wadaan Soomaaliya iyo sidii kaalintaasi loogu wareejin lahaa ciidamada qaranka.

Wasiirka ayaa u sheegay taliyaha ciidamada Amisom in ka dowlad ahaan ay diyaar u yihiin in ciidankooda uu la wareego amaanka dalka, waxana uu uga mahad celiyey qeybtii ay Amisom ka qaadatay amaanka Soomaaliya.

Si ay arrintan u suura gasho, ayaa sidoo kale waxaa kulan yeeshay wasiirka arrimaha dibadda iyo wakiilada dalalka ay ciidamadooda ku sugan yihiin Soomaaliya.

Wasiirka ayaa la kulmay safiirada Jabuuti iyo Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, isagoo kala hadlay howsha nabad ilaalinta ee ay ciidamadoodu u joogaan Soomaaliya iyo muhiimada ay leedahay in amniga dalka gacanta loo galiyo Ciidmada Soomaaliya, oo mudooyinkii ugu danbeeyey xooggeysanayey.

Amisom ayaa sanadii 2007-dii ilaa maanta ku sugan Soomaaliya, waana kuwa ilaaliya xarrumaha dowladda, oo ay ku jirto guriga looga taliyo dalka ee Villa Soomaaliya, waxaase dad badan ay shaki galinayaan in ciidamada Soomaaliya ay qaadi karaan masuuliyada amniga dalkooda, maadaama siyaadada wadanka ay ku dhisan tahay hab qabiil.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.