Hantidhowraha Qaranka oo hogaaminaya Hantidhowrada Afrika

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa loo doortay in uu hoggaamiyo ururka Hay'adaha Hantidhowrada Guud ee Afrika ee magacooda loo soo gaabiyo (AFROSAIE).

Warar Keydmedia Online
Hantidhowraha Qaranka oo hogaaminaya Hantidhowrada Afrika

MUQDISHO, Soomaaliya - Ururka Hay’daha Hantidhawrrada Guud ee Afrika ee loo soo gaabiyo (AFROSAI-E) ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha maamulka ee saddexda sano ee socota (2022-2024) u doortay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali.

Waxaa sidoo kale Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Hantidhawraha Guud ee Kenya Marwo Nancy Ganthungu. Iyadoo guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa si rasmi ah loogu doortay saddexda sano ee soo socota ayaa lagu wadaa in ay ka shaqeeyaan howlaha baaxadda leh ee la xiriira hantidhowrka guud ee Afrika.

Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa xiriirkoodu xumaaday labadii sano ee lasoo dhaafay, iyagoo labada dhinac joojiyay ganacsigii iyo cilaaqaadkii ka dhaxeeyay, waxaana joogsaday gabi ahaanba diyaaradihii isaga kala gooshi jiray labada dal.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa howsha baaxadda leh ee hortaal wey ka weyntahay arrimaha ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana laga filayaa in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.