Dagaal ka dhacay duuleedka Muqdisho

Ciidanka Haramcad ee ka tirsan Booliska Soomaaliyeed iyo dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay ku dagaalameen degaanka loo yaqaan Xaawo Cabdi ee gobolka Shabeelaha Hoose

Warar Keydmedia Online
Dagaal ka dhacay duuleedka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Iska hor-imaad u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowladda Soomaaliya ee loo yaqaan Haramcad iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay waxaa uu ka dhacay degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana kasoo baxaya macluumaad kala duwan oo ku saabsan dagaalkaasi.

Iska hor-imaadka ayaa bilowday kaddib markii xubno ka mid ah kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo Ciidanka Haramcad ay ku leeyihiin degaanka Xaawo Cabdi gaar ahaan halka ay fariisinka ka dhigteen ciidamada Haramcad ee ilaalada ka haya dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo ay kooxda Al-Shabaab ku hayaan weerar maadaama ciidamada Haramcad ay la wareegeen sugidda amniga waddadaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Haramcad ayaa waxay sheegeen in saddex kamid ah dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ay gacanta ku dhigeen iyaga iyo gaarigii ay wateen, waxaana ciidamada Haramcad ee ku sugan waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ay wajaheen dagaallo dhowr ah oo kaga imaanaya kooxda Al-Shabaab, dhowr jeer oo horena loogaga dilay ciidanka.

Dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo ay maal-gelinayso dowladda Qadar islamarkaana ay dhiseyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga ayaa la bar-tilmaameedsaday dhowr jeer oo hore.

Haramcad oo la wareegay ilaalada dhismaha waddadaasi ayaa dhowr jeer la kulmay weerarro kala duwan oo kaga imaanaya kooxdaasi, iyadoo weerarkii xalay uu ahaa kii ugu dambeeyay oo ay iska caabiyeen, mana jiraan wax khasaare ah oo ay sheegeen ciidamada Haramcad kaasoo kasoo gaaray dagaalkii xalay ku qabsaday agagaarka degaanka Xaawo Cabdi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.