Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ardo Muumin oo ka mid ah Haweenka Jaadka ku iibiya magaalada Hargaysa ayaa waxaa soo weeraray nin watay Midi dheer ama Tooray kaas oo doonayay in gabi ahaanba uu qoorta ka gooyo Haweenaydaan waxaana la sheegayaa in haatan uu dhaawaceeda uu liito iyadoona lagu dabiibayo isbitalka Hargeysa.
Ninka weerarkaan geestay ayaa waxaa lagu magacaabaa Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) lamina garanayo sababta ku ka liftay in Haweenaydaan ganacsatada ah uu dilo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaan la xiray isla markaana uu ku xiranyahay saldhiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland, ilaa iyo iminkana majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulkaasi oo ku aadan dhacdadaan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments