Haweeney isku qarxisay Muqdisho

Waxaa qaraxan ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar Keydmedia Online
Haweeney isku qarxisay Muqdisho

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay isgoyska Daallo, degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ay Keymedia Online heshay ayaa waxay sheegayaan in Haweeney ay isku qarxisay askar ka tirsan NISA, kuwaasi oo ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Labo qof oo ay ku jirto haweeneydii is qarxisay, waxaana ku dhaawacmay Saddex kale.

Ciidamo Booliis ah ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay, waxaana la xiray wadada Daallo, iyadoo baaritaan uu socdo.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee ka dhaci jiray magaalada Muqdisho ayaa dhif iyo naadir ku ah kuwa ay haweenka fuliyaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku faanay in Al-shabaab laga awood roonaaday, walibana aanay fulin qaraxyadii hore, xilli mudada dowladdiisu ay shaqeenaysay ay dalka ka dhaceen qaraxyadii ugu cuslaa ebid.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.